Waxaa si rasmi ah loo furay codsiyada World Youth Forum (WYF) 2026 ee lagu qaban doono Portugal. Tani waa fursad cajiib ah oo dhalinyarada caalamka lagu kulminayo si ay uga wada hadlaan arrimaha muhiimka ah ee saameeya dunida maanta. Shirkan waxaa qabanqaabinaya Centre for Diplomatic Advancement, waxaana lagu qaban doonaa magaalada Porto, Portugal laga bilaabo 19ka ilaa 22ka February 2026.
![]() |
| World Youth Forum 2026 |
Faahfaahinta Barnaamijka
- Magac barnaamijka: world youth Forum 2026
- Dalka Martigalinaya: Portugal
- Goobta: Porto
- Taariikhdda: 19-22 February 2026
- Tirada ka qaybgalayaash : 250 qof
- Muddad codsiga: ilaa 20 November 2025
- Shuruudah Luuqadda : IELTS looma baahna
Noocyada Fursadaha La Heli Karo
🔍 Fully Funded
- Tigidhka duulimaadka (Airfare)
- Hoy iyo cunto inta lagu jiro shirarka
- Helitaanka dhamman kulamada iyo aqoon is weydaarsiyada
- Qalabka Shirarka iyo Agab kala duwan
🔍 Partially Funded
- Hoy ,cunto iyo helitaanka Shirarka
- Qalabka Shirarka iyo Agab kala duwan
🔍 Forum Access Only
- Gelitaanka dhamaan kulamada iyo doodah muhiimka ah
Ujeeddooyinka Barnaamijka
- Kor u qaadista hogaaminta dhalinyaradda
- Dhisidda awoodaha hal-abuur iyo wada shaqeynta
- Kobcinta iskaashiga caalamiga ah
- Dhiirrigelinta waxqabad waare iyo hal-abuur bulsho
Shuruudaha U Qalma
- Qof kasta oo ka socda dal kasta waa uu codsan karaa
- Da'da :18-45 sanno
- Inaad leedahay rabitaan isbedel bulshada lagu sameeyo
- Inaad xiiseyneyso arrimah iskaa wax u qabso ,xiriirka caalamiga ah ,iyo hoggqaminta
- Inaad muujin karto awood hoggaamineed iyo wada shaqeyn kooxeed
Sida Loo Codsado
1. Booqo bogga rasmiga ah ee World Youth Forum 2026.2. Buuxi foomka codsiga online-ka ah.
3. Qor Personal Statement (warbixin shakhsiyeed oo caddeyneysa sababta aad u rabto ka qaybgalka).
4. Bixi lacagta codsiga ee $17.
5. Hel Invitation Letter kadib marka aad is diiwaangeliso.
